Shir xasaasi ah oo maalmahan uga socday Deegaanka Doolow ee xuduuda Ethiopia Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin ayaa lagu dhameystiray qorshe Maamul Goboleed loogu sameynayo Gobolada ku yaala Koofur Galbeed Soomaaliya, oo intooda badan ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta.
Wararka ayaa sheegaya in shirkaas lagu yagleelay aas aaska Maamul Goboleed uu yeesho ilaa Lix Gobol oo kala ah, Gedo, Bay, Bakool, Shabellaha Hoose, iyo Jubooyinka, iyadoo ragga ku shiray Doolow ay gaarayeen ilaa Labo boqol oo ka soo jeeda Goboladaas.
Siyaasiyiinta ku lug lahaa qorshahaa ayaa ka heshiiyay sidii loo mideyn lahaa Goboladaas, isla markaana looga xureyn lahaa Al-Shabaab oo gacanta ku heysa, waxaana ay diyaariyeen Ciidamo fara badan oo ka qeyb qaata la wareegitaanka deegaanadaas.
Aadan Saransoor oo ka mid ahaa Saraakiishii Maamuladii Bay iyo Bakool ee la eryay ayaa sheegay in kulankaas lagu gorfeeyay sidii loo mideyn lahaa Gobolada Koofur Galbeed, isla markaana Maamul Goboleed loogu dhisi lahaa, waxaana uu cadeeyay in kulankaas ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Col. Barre Hiiraale, C/llaahi Sheekh Cismaaciil iyo Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda Goboladaas.
“Qorshaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya meel wanaagsan ayay mareysaa, waxaan la rajeynaynaa in doorashada Madaxweynaha lagu qabto gudaha Goboladaas, marka aanu xoreyno”ayuu yiri Aadan Saransoor oo intaa ku daray in ay heystaan Ciidamo fara badan oo dhowaan tababar u sameeyeen
Waxaa uu sheegay in shirka uu yahay mid aas aas u ah dhismaha Maamul goboleedka Koofur Galbeed, hase ahaatee ay jiraan qorshayaal kale oo Gudiyo qaban qaabo loogu sameeyay sidii ay u guda geli lahaayeen dhismaha Maamul goboleedka.
Dowladda Ethiopia ayaa la rumeysan yahay in ay qorshahan dabada ka riixeyso, iyadoo horay saanado milateri ugu deeqday Siyaasiyiintan oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii dalka, isla markaana ay gacan saar u la leedahay, waxaana ay quudareyneysaa Itoobiya in meesha laga saaro awooda Kooxaha Islaamiyiinta.
Lama garanayo sida ay arrintani wax uga qaban doonaan ama ay ugu hirgeli doonto Maamul Goboleedkani maadaama la wada ogsoon yahay in ay Gobolada ay sheegayaan oo dhan gacanta ugu jirto kooxaha mucaaradka ah ee dowladda ka soo horjeeda