Dagaalo maalintii 4-aad galay oo saaka ka sii socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Dagaalo iyo madaafiic ayaa saaka maalintii 4-aad oo ka sii socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan goobihii ay shalay ka dhaceen dagaalada qaraar ee agagaarka saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid kuwaaso dhexmaraya ciidamada DF Somalia iyo xoogaaga ka horjeeda ee la dagaalamaya, iyadoo qasaaraha uu geysanayo dagaalkaasi uu sii kordhayo saacadba saacada ka dambeysa.
Agagaaarka saldhiga degmada Yaaqshiid oo shalay ilaa doraad dhinacyada dagaalamaya ay kala qabsadeen dhowr jeer iyo xaafadaha ku teedsan ee magaalada muqdisho ayaa waxa laga maqlayaa saaka rasaaas mararka qaarkodna xoogeysaneysa mararka qaarna qaboobeysa, taasoo ay isku ridayaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya waxaana dagaalada weli ka soconaya goobahaasi ay saameyn ku yeesheen Suuqa labaad ee ugu weyn ee magaalada Muqdisho ee Suuq bacaad oo gebi ahaanba sababo la xirira dagaalada oo ka socda Suuqa hareerihiisa. waxaana cakiran xaalada goobahaasi.
Dadweyne aad u far badan oo ka mid ah qoysaskii fara ku tiriska ahaa ee ku haray goobaha ah ay dagaaladu ka socdeen ayaa saaka bilaabay iney guryahooda ka cararaan ka dib markii ay ilaa shalay ku go’domeen xaafadahooda dagaalada halkaasi ka socda awgeed, waxaana saaka la arkayey haween wata caruur iyo agab aan badneyn oo ay kala baxsadeen guryahooda oo maraya wadooyinka magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda deegaanada lagu barakacay ee ku yaala duleedyada magaalada Muqdisho.