Maamuladii Dowladda KMG uga wakiilka ahaa Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ka hor yimid hadal uu jeediyay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasoo ahaa in ay cafis u fidiyeen Saraakiishii Dowladda ee Goboladaas.
Gudoomiyihii Gobolka Bakool Maxamed cabi Mayow (Tall) oo aan khadka taleeefonka kula xiriirnay asagoo ku sugan Doolow ayaa sheegay in cafis aanay uga baahneyn Alshabaab, isagoo sheegay in dhowaan ay ka saari doonaan Goboalda ay xoogga ku heystaan sida uu yiri.
Aniga wax cafis ah oo aan haba yaraatee Alshabaab uga baahanahay ma jirto, hada waxaa diyaarinay ciidamadii la wareegi lahaa goboladaas, abaabulna waa wadnaa,Mr.Tall oo wareysi gaar ah siiyay shabakada baidoanews.
Waxaa uu sheegay in dhaq dhaqaaqyadooda uu ku wajahan yahay sidii ay kaga xoreyn lahaayeen Goboladaas, waxaana uu meesha ka saaray in aanay isku dhiibi doonin Shabaab iyo kooxaha kale oo uu ku sheegay inay yihiin argagixiso caalami ah.
Sidoo kale waxaa isla maanta saxaafadda magaalada Muqdisho asna ka hadlay guddoomiyihii hore ee degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikole) oo uu sheegay is dhiibitaan riyada ah inay iska daayaan shabaabka ha isku diyaariyaan difaac keliya oo uu ula jeeday inay Baydhabo duulaan kusoo yihiin maal maha soo socda