Ciidamo loogu talogalay inay ka mid noqdaan AMISOM oo tababar uu uga bilowday Dalka Uganda

Tababar ayaa dalka Uganda uga bilowday ciidamo loogu talogalay inay ka mid noqdaan kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo ay tababarka siinayaan saraakiil u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Biljim.

 Lt. Col. Rousselle Gabriel oo ah madaxa tababarayaasha ayaa ka sheegay xerada tababarka uu ka furmay in ciidamadan loo gaaraya 1600-askari la geyn doono Muqdisho bisha May ee sannadkan si ay uga mid noqdaan AMISOM.

 ”Ciidamadan wuxuu tababarkoodu socon doonaa shan todobaad, waxaana la bari doonaa farsmooyin ay ka mid yihiin sida loo baaro miinooyinka, ka hortaga qaraxyada, ilaalinta madaxda iyo sida la isku difaaco” ayuu yiri Lt. Col. Rousselle.

 Tababarayaasha oo tiradoodu tahay 38 ayaa 35-ka mid ah waxay ka socdaan dalka Faransiiska, waxaan safiirka dalkaas oo goobjoog ahaa furitaankii tababarka wuxuu sheegay inay xoojin doonaan gacanta ay siinayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 Saraakiisha dalka Uganda ayaa sheegay in saraakiil ka socda dalka Mareykanka ay iyaguna qayb ka qaadan doonaan tababarka la siinayo ciidamadan, kuwaasoo tagi doona dalka Uganda bishan 15-keeda.

 Ciidamadan ayaa waxaa lagu dari doonaan kuwa AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo tiradoodu ay tahay hadda 5-kun oo askair kana socda dalalka Burundi iyo Uganda, waxaana dhawaan diiday inay ciidamo ku biiro dowladda Nigeria.

Advertisement

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.