Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka holcayay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dabkan oo dhowr saacadood si xoogan uga holcayay qeybo muhiim ah ee Bakaaraha ayaa wuxuu geestay qasaare baaxad leh, inkastoo weli aan weli si kooban loo heyn qasaarahaasi.
Dabka ayaa xoogiisa waxaa uu ka socday qeybta shidaalka iyo nawaaxigiisa, waxaana gurmad u galay sidii dabkaasi loo damin lahaa qaar kooban oo ka mid ah ganacsato iyo dad shacab ah oo ugu dambeyn ku guuleystay dadaalkooda.
rasmi ahaan waxaan weli la qiimeynin inta ay la egtahay qasaarahaasi balse waxaa jira dhowr qofood oo soo sheegaya inta ay la egtahay qiimaha iyo cadadka uu ku waayay dabkii caawa ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
wixii kusoo kordha qasaaraha dabkaan caawa ka kacey bakaaraha rasmi ahaan hadii la helo waan idin soo gudbineynaa isla caawa Insha Allah.