Guddi ka kooban Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay faahfaahin ka bixiyeen halka ay u mareyso go’aan ay doonayaan in ay maamul ugu sameeyaan gobolada koofureed ee Soomaaliya.
Afhayeenka gudiga ku shiray Magaalada Dolow ee gobolka Gedo Aadan Saransoor oo u waramayey Idaacada Shabelle ayaa ka warbixiyay kulamo maalmihii u danbeeyay ay ku yeesheen Magaaladaasi saraakil iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya kaasi oo lagu daanayay sidii maamul goboleed loogu sameyn lahaa ilaa 6-gobol oo ka tirsan koofurta dalka Soomaaliya.
Aadan Saransoor oo ah Afhayeenka gudigaasi ayaa sheegay in gudiga loogu talagalay in ay Maamulkaasi dhisaan ay ka kooban yihiin 21-xubnood islamarkaana maalintii shalay ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ka hor inta aysan maamulkaasi dhisan ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in goboladii horay looga saaray oo gacanta ay ku hayaan xoogaga kasoo horjeeda ay gacanta ku dhigaan isagoona sheegay in qorshahaasi uu hada socdo.
Hadalkan kasooyeeray Xubnaha Dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan kulan ay ku yeesheen gudaha magaaladaasi ay ku sheegeen in 6-gobol oo ku yaala koofurta Soomaaliya ay ka sameynayaan Maamul goboleed.