Archive for January, 2010

Guddi ka kooban Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano katirsan dowladda Soomaaliya oo kawarbixiyay halka ay u mareyso maamul u sameynta gobolada koofureed ee Soomaaliya

January 22, 2010

Guddi ka kooban Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay faahfaahin ka bixiyeen halka ay u mareyso go’aan ay doonayaan in ay maamul ugu sameeyaan gobolada koofureed ee Soomaaliya.

Afhayeenka gudiga ku shiray Magaalada Dolow ee gobolka Gedo Aadan Saransoor oo u waramayey Idaacada Shabelle ayaa ka warbixiyay kulamo maalmihii u danbeeyay ay ku yeesheen Magaaladaasi saraakil iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya kaasi oo lagu daanayay sidii maamul goboleed loogu sameyn lahaa ilaa 6-gobol oo ka tirsan koofurta dalka Soomaaliya.

Aadan Saransoor oo ah Afhayeenka gudigaasi ayaa sheegay in gudiga loogu talagalay in  ay Maamulkaasi dhisaan ay ka kooban yihiin 21-xubnood islamarkaana maalintii shalay ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ka hor inta aysan maamulkaasi dhisan ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in goboladii horay looga saaray oo gacanta ay ku hayaan xoogaga kasoo horjeeda ay gacanta ku dhigaan isagoona sheegay in qorshahaasi uu hada socdo.

Hadalkan kasooyeeray Xubnaha Dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan kulan ay ku yeesheen gudaha magaaladaasi ay ku sheegeen in 6-gobol oo ku yaala koofurta Soomaaliya ay ka sameynayaan Maamul goboleed.

SHIRKA DIGIL IYO MIRIFLE E MANCHESTER

January 17, 2010

Shirkan waxaa abaabulay odayaal, indheergarad, iyo aqoonyahanno isugu jira Digil iyo Mirirfle.
Ajendaha shirka wuxuu ka koobnaa sida hoos ku qoran:

1. Isbarasho.
2. Siyaasadda Digil iyo Mirifle ee UK.
3. Fikirka dawlad goboleedka koonfur Somaliya.
4. Abaabul shirweyne Digil iyo Mirifle UK.
5. Guddiga Digil iyo Mirifle ee UK
6. Shirka Birmingham ka dhacaya.

Anigoon halkan kuwada sheegi karindhammaan hadaladii shirka laga yiri, ayaan waxaan isku dayayaain aan si koban u sharaxo ajendihii laga wada hadlay, shirka Digil iyo Mirifle ee magaalada Manchester.

Isbarashada waa muhiim. Caruurteena isma taqaan. Anaga isma naqaan.  Caawa dad fara badan oo aan u haystay in ay qabiilo kale yihiin ayaan is yeelanay.

War nimanyahow shirarka ha la badiyo, boqashada ha la badiyo, caruurteena aan isbarno. Waad aragtaan dhalinyarada somalida waddankaan iyaga ugu liita, kuweennana wey ka mid yihiin.  Aan ku dadaalno sidaan isugu duubmi lahayn, sidaan wax u bari lahayn dhalintan, iyo sidaan ugu horjoogsan lahayn waxyaalaha xunxun.

Taariikhda Digil iyo Mirifle ee magaalada Manchester wax badan ayey qowmiyadda shirar qabsadeen, wax nacfi leh oo ka SOO BAXAY ma jiraan.Sida maanta loo bilaabay shirkan ha loo joogteeyo.

Dadka shirka soo abaabulay dhaliil iyo amaan labada way mudan yihiin.  Ilaaheey ajar iyo xasanaad ha ka siiyo haddiiba ay isu keeneen intaan oo digil iyo mirifle ah, taasi waxay ahayd amaantii.  Dhaliishu waxay tahay, ma ahayn in warqadaha marti qaadka shirka aan ka helno dukaamada waxay ahayd in naloogu keeno fadhiyadeena ama meelaha nalaga helo.

Siyaasadda Digil iyo Mirifle guud ahaan ma xuma, inkastoo dadka qaar marka ay hadlayaan ku hadla hadallo is liidid ah. Ha la joojiyo hadalada laciifka ah ee aan is dhaheeno.
Midda kale waxaa jira dad fara badan oo qabiilo kala duwan leh oo nala dega, waxaa wanaagsan tirada yar ee nala degta in xaqooda ama xaquuqdooda la dhawro, inta badanna ay taliyaan.

Dawlad goboleed in laga sameeyo waddanka somaliya fikirkeeda waxaa ugu horeeyey digil iyo mirifle.  Maantana waad aragtaan annagaa ugu dambeeyna, ilaa iyo haddana waan ku heshiin la’nahay ama waan hirgelin la’nahay dawlad goboleedka koonfur galbeed.

Dawlad goboleed la dhiso waxaa loo baahan yahay in laga midoobe siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo fkir ahaan.

Maanta waxaa kaloo loo bahan yahay in loo guntado siyaasadda digil iyo mirifle, In la helo dad diyaar u ah horumarka arrimaha bulshada..

Maanta jaalliyadha dibadda ku nool ayaa dhisa dadkooda iyo dalkooda ee ku nool gudaha waddanka somaliya.
Waxaa loo baahan yahay in guddiyo kala duwan ay dhistaan jaalliyadaha dibadda ku nool ee digil iyo mirfle, sida guddiyo odayaal, kuwo haween iyo qaar dhalinyaro iyo aqoonyahanno isugu jira.

Hadaladan kor ku xusan waa intii aan ka qoray shirka intii ka hadashay. Haddii aan ka tagay wax fara badan, fadlan ku biiri ee dib iigu soo celi.

Mahadsanid

Beesha Ortoble ee Daarood oo noqotey beela Dhax dhaxaadka

January 17, 2010

Beesha Ortoble ee Daarood oo noqotey beela Dhax dhaxaadka

Markii aad fiira gaar ah u yeelatid beeleha soomaliyeed  Dir iyo Daarood iyo hawiye

Iyo digil iyo mirifle waxaad  arkaysaa in lee laha qaar kood ay yihii dhex dhaxaad sids beesha ortoble

Waana beesha ugu yare e daarood

Marka aad ku aragtid meelaha fadhikdirika ka waxaa ka dareemaysaa in ay yihiin dhax dhaxaad

Marka loo eego beelaha kale

Ee soomaliyeed

Shirwaynihii Digil iyo Mirifle Manchester

January 11, 2010

Waxaa magaalada Manchester dalka engriiska ka dhacay

Shirweyn oo ay ka soo qabgalaan waxgarada beelehe digil iyo mirfle

Ee magaalada Manchester iyo magaalooyinka ku dhow dhow

Shirkan oo si heer Sare ah loo soo agaasimaya ayaa  waxaa  uu ku dhacay jawali aad u wanaagasan ayadoo ay masuul’iin badan kaga qabqaateen xaga telefonada

Ayaagoo jooga Somalia

 Shirkan waxaal la isla af  gartey in la taageero maamul gobaleedaka  koonfur galbeed ee Somali

War gelin ku saabsan jaaliyada koofur soomaliya

January 7, 2010

WAXAA LAGU WARGELIYANAA DHAMMAAN JAALLIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE KU NOOL MAGAALADA MANCHESTER IN UU DHICI DOONO SHIR MUHIIM AH.

SHIRKAN OO LOOGA ARRINSAN DOONO ARRIMAHA QOWMIYADDA IYO BARNAAMIJKA KU AADAN DAWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR SOOMAALIYA, SHIRKA WUXUU DHICI DOONAA MAALINIMADA AXADDA AH.

TAARIIKHDU MARKA AY TAHAY 9.01.2010. SAACADDA 4TA GALABNIMO. GOOBTA SHIRKA LAGU QABAN DOONO WAA MAGALADA  MANCHESTER COMMUNITIGA BARAVO EE ABDULKADIR CHAIRMAN.

WIXII FAAHFAAHIN AH EE KU SAABSAN SHIR WAXAAD KALA SOO XIRIIRI KARTAAN TALEEFOONADAN HOOS KU QORAN: TEL:07956164343 AMA 07903729685.

Warsaxafadeed ay maanta soo saareen saarkiisha dowlada KMG e Soomaaliya oo malmahaani kulan uu kaga socday degmada Doloow Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo bandhigeen qaabka ay u doonayeen maamulka goboleedka ay u sameeyn rabaan gobolada koonfureed ee dalka saoomaaliya.

January 3, 2010

warsaxafadeedka ayaa u qornaa sida tan:
HORUDHAC

Kadib markii shirar goos goos ah iyo wada tashi oo lagu qabtay Degmada doolow soomaaliya , kuna saabsanaa sidii loo dhisi lahaa maamul dowlad gobeleed ah oo isku xira, mideeyana lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kala ah:-

Bay,Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabellada Hoose.

Kadib markii shirarkaas iyo wada tashiyadaas oo bilowday Taarikhda markay ahayd 07/06/2009, ayna ka soo qayb galeen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxda maamulada gobolaadaas heer gobol, heer degmo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada lixdaas gobol ee aan kor ku soo xusnay.

Kadib markii shirarka looga doodayey xaalada goboladaas ay ku sugan yihiin dhinacyada Siyaasada, Amniga, Daryeelka Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Kadib dood dheer iyo falanqayn xaaladaha goboladaas Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku sugan yihiin iyo baahida loo qabo in loo helo Nabad, Iskaashi, Wadashaqayn Bulshadeed, Dibu dhis iyo Horumarin dhinac walbo leh oo socatay kudhawaad mudo lix bilood ah ayuu shirku isku raacay in ladhiso Guddi Wada Tashi iyo Qaban – qaabo oo ka tarjumaya rabitaanka dhamaan beelaha lixda (6) gobol ayna kuwada dhan yihiin wakiilada matalaya bulshada wada degan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kadib markii shirarkaas laysku afgartay in guddigu noqdo,
midka soo jeedinayo qaab abaabuleedka ee la xiriira samaynta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka tala qaadanayo marjacna ay u yihiin xubanaha aasasayaasha ee hirgelinta mashruuca la xiriira dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kadib shirarku waxay isku raaceen in guddiga Wadatashiga iyo Qaban qaabada Koonfur Galbeed aysan kama mid noqon xubnaha baarlamaanka, howlwadeenada hay’addaha Dowlada iyo madaxda maamulada gobolada iyo degmooyinka haatan ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkarka wada tashiga ee guddigu waxay dhamaan soo jeediyeen in Himilooyinka, qaabdhismeedka, iyo waajibaadka la xiriira meelmarinta hindisaha ku saabsan hirgelinta mashruuca kan ay noqdaan sida soo socota:-

Magaca Guddiga: Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya.

Xarunta Guddiga: Degmada Doolow Soomaliya, si KMG ah.

Waqtiga Guddiga: Guddiga wuxuu jirayaa ilaa shirweynaha laga qabanayo.

Himilooyinka Guddiga Wadatashiga iyo Qaban- qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya, waa sida hoos ku cad:-

In la abaabulo oo la wacyigeliyo Beelaha wada degan lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
In la sameeyo shirar iyo kulamo ay ku wada Tashadaan Beelaha wada degan Lixda gobol, si loo abuuro jawi nabadeed oo wada noolaasho fayoobi leh, oo ka dhex abuurma beelaha lixda gobol wada degen.
In lagu dadaalo lana adkeeyo dhinaca sharci iyo ku dhaqanba ku shaqaynta mabda’a iyo xeerarka xukun wanaaga oo cadaadal iyo hufnaan ku dhisan.
In la xoojiyo lagana shaqeeyo deris wanaaga gobolada deriska la ah Koonfur Galbeed iyo dowlad goboladeed-yada kale ee Dalka.
In la abuuro xariir deris wanaag iyo iskaashi oo lala yeesho dowlaha dersika ah, gaar ahaan kuwa ku dhegan Koonfur Galbeed, lagana fogaado wixii keeni karo colaad iyo xasilooni darro.
In la xoojiyo wada shaqaynta lala yeelanayo Beesha Caalamka si isfaham iyo iskaashiba leh.
In laqaban- qaabiyo shirweyne guud (Congress) oo Beelaha lixda gobolee Koonfur Galbeed Wakiiladooda isugu imaanayaan, si loo dhiso dowlad goboleed oo qayb ka ah nidaamka federaalka, kuna salaysan dastuurka dowlada federaalka ee KMG Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo siyaadada iyo midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Qaabdhismeedka:

Qaab dhismeedka Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya wuxuu noqonayaa sida hoos ku cad:-

A. Guddiga Hoggaaminta:-
B. Guddiyo Howleedyo:-
Guddiga Hogaaminta wuxuu ka koobnaanayaa 5 Shan xubnood oo kala ah.
1. Guddoomiye.
2. Guddoomiye kuxigeen-ka 1-aad
3. Guddoomiye kuxigeen-ka 2-aad
4.Xoghaye guud.
5. Kaaliye Xoghaye guud.

Guddiyo Howleedyada:-

Guddiyo Howleedyada waxay ka koobnaanayaa 16 (lix iyo tobon) xubnood oo kala haynaya xilalka kala ah:-

1. Guddiga Daryeelka Arrimaha Bulshada.
2. Guddiga hurumarinta dhaqaalaha.
3. Guddiga Warfaafinta.
4.Guddiga Dib-uheshiisiinta.

Guddiga qaban qabada iyo wada tashiga waxay soo jeedinayaan magacyada ay ka koob naayayan guddiyo howleedyada si isu miisan oo muujinaysa ka wada qayb galka bulshad dhaq dhaqaaqa koonfur galbeed waxaana go’aan ka gaarayo gudiga hogaaminta

Waajibaadka Guddiga Hogaaminta:-

Guddiga Hoggaaminta waajibaadkiisa waa:-

Ilaalinta, dhowritaanka iyo ku shaqaynta tilamaamaha himilooyinka.
Dejinta istaraatiijiyada guud iyo qorshaha guddiyada ku howl galaayaan ee ka tarjumaya himilooyinka guddiga.
Guddoominta iy isku dubariddka habsami u socodka howlaha arrimaha khuseeya K/Galbeed.
Hagitaanka, hogaaminta guddi howleedyada, isku xirka iyo kormerida guud ee gudashada waajibaadka.
Diyaarinta Ajendeyaasha shirarkiisa iyo isugu yeerista shirarka guddi howleedyada.
Hubinta fulitaanka howlaha guddi howleedyada iyo go’aaamada gudoonku soo saaro.
Guddiga Hoggaaminta waxa uu sigaar ah ugu xilsaaran yahay qorsheynta iyo maareynta arrimaha difaaca, amniga iyo siyaasada dibeda.

Waajibaadka Guddiyo howleedyada:-

Guddiyo Howleedyada waxa ay u xilsaaran yihiin qbashada howl maalmeedka la xariira Qaybaha ay ku kala magacaaban yihiin, si waafaqsan himilada ujeedooyinka guddiga wadatashiga iyo qaban qaabada koonfur galbeed soomaaliya.

Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qaabada Koonfur Galbeed waxay yeelanayaan xeer-hoosaadyo u gaar ah.

Magacyada Xubnaha Guddiga:-

injineer Xasan maxamed Abuukar
Prof, maxamed cali xasan (Kaastaro)
Caziiza maxamed nuur
Ambassador cabdi cartan aadan
Mr Mustaf muqtaar guudoow
Mr Ibraahim macallin aadan
Mr c/raxmaan cali gaab
Mr Bile cabdi cabdulle
Mr Maxamed nuur xaaji Faki
Mr Cali xuseen cali

Duqeyn khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geysatay oo ka dhacday magaalada Muqdisho

January 1, 2010

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa geeriyootay, 14 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaartay kaddib markii ay maanta gelinkii dambe ay duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo inta badan ay geysteen Ciidamada Amisom ayaa waxay timid kaddib markii ay kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay madaafiic ku tuureen fariisimada ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Goobaha ay dadka ku dhinteen kuna dhaawacmeen ayaa waxay intooda badan ka tirsan yihiin Degmooyinka Hodan iyo Dayniile, kuwaasi oo ay ku dhaceen madaafiic aad u faro badan oo ka soo dhacayay dhinaca fariisimada Ciidamada Amisom.

Waxaa dhici karta in khasaaraha uu inta hadda soo baxday ka badan yahay, hayeeshee wixii warar ah ee ku soo kordha duqeynta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaad kula socon doontaan wararkeena dambe haddii alle idmo


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.